Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho ayaa goordhow ka dhacay meel u dhow Isgoyska Baar Ayaan ee ka tirsan degmada Warta nabada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Xerada qeybta 27aad ee Ciidamada Xoogga dalka oo ku dhow garoonka ciyaaraha Istaadyum Muqdisho

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo xaruntaas lagu weeraray, waxaana goobtaas lagu arkayaa uuro madow iyo qaac cirka isku shareertay.

Ciidamada amaanka DF ayaa xiray goobtaas, waxaana jira warar sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

La soco faahfaahinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan: “Musuq-maasuqu wuxuu daciifiyaa horumarka iyo awoodda dowladnimo ”

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo ka adigay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddo xileedka madaxda DF

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Sudan & daad gureynta ajnabiga oo weli socota

Caydiid Ali
Taboola Ads ---