Madaxweyne Farmaajo oo laalay go’aan Xukuumada xilka sii heysa ka gaartay Qaadka Kenya

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu faragelin ku sameeyay go’aankii Golaha Wasiirada xilka sii haya ay xayiraadda uga qaadeen Dayaaradaha Qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.

Golaha Wasiirada oo Khamiistii  kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray go’aankan oo aan la shaacin.

Saacado kadib markii warkani soo baxay ayaa xalay waxaa soo baxay warka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu laalay go’aankii xukuumadda xilka sii heysa Khamiistii ku gaareen in la fasaxo Duulimadyada diyaaradaha Qaadka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu faray Wasaaradda Duulista Hawada in dib u dhigaan arrinta Duulimaadyada Qaadka ee ka yimaada Kenya, waxaana markii danbe tallaabada Madaxweynaha xaqiijiyey ilo ka tirsan Madaxtooyada.

Go’aanka Madaxweyne Farmaajo iyo faragelinta uu arrintan ku sameeyay ayaan illaa hadda lagu shaacin warbaahinta dowladda, waxaana looga gaabsaday sida warkii ka horeeyay ee Golaha Wasiirada xilka sii haya uu ku fasaxay dayaaradaha Qaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -