(Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii Beriut oo sababay burbur & dhimasho baahsan

Xaalada magaalada Beriut ee dalka Lubnaan ayaa caawa cakiran ka dib markii wax yar ka hor salaadii maqrib ay gilgileen qaraxyo waaweyn oo sababay dhimasho badan iyo burbur baaxad leh.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadu ka dhaceen agagaarka dekadda magaalada, ilaa haatanna ma cadda waxa sababay qaraxyadaasi, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhineen illaa hadda konton qof, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada iyo dhimashada iyo dhaawaca ay gaarto kumanaan, marka la eego baaxada qaraxyadan, awooda ay lahaayeen iyo burburka ay geysteen oo sababay in qeyb ka mid ah magaalada ay burburto.

Qaraxa dambe oo ka xoog badnaa kan hore ayaa dadka qaar waxayba shaki ka qabaan inuu ahaa qarax caadi ah waxayna tuhunsan yihiin inuu ahaa gantaal Nuclear oo kale ah oo goobta ku habsaday.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeyay iyo qasaaro baahsan, waxayna magaalada u ekaatay goob uu dhul gariir weyn ka dhacay oo kale.

Warbaahinta gudaha ayaa soo tabisay dad ku xanniban burburka dhismaha. Qof goob jooge ah ayaa qarixii ugu horreeyay ku tilmaamay mid dhawaqiisu laga argagaxay.

Goobaha ay qaraxu saameeyeen ayaa waxaa caawa ka baxaya qiiq fara badan iyo dab xoogan, waxaana la dagaalamaya gaadiid iyo dayuurado dam demis ah, waxaa sidoo kale barbar socda gurmad lagu soo saarayo dadka ku hoos jira dhismayaasha dabaqyada ah ee isku dumay oo aaney suuragal aheyn in xitaa maalmo lagu gaaro, gaadiidka ambalaasyada ee qaadaya dhaawacyada iyo meydadka ayaa magaalada hadba dhinac u ordaya.

Lama oga qaraxyadan cida ka dambeysay balse waxay ku soo aadeen iyadoo la filayey in lagu dhawaaqo xukunka afar nin oo maqaneyaal ah, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen dilkii raisal wasaarihii hore dalkaasi ee Rafik Hariri oo 2005-tii dhacay.

Dhammaan afarta xubnood waxay ka tirsan yihiin ururka Xisbullaah oo ay Iran taageerto, kuwaasoo markasta iska fogeeya iney ku lug leeyihiin dilka Xariri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -