Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiga Farxaan Cali Axmed oo ku biirey musharaxiinta xilka Ra’iisul Wasaaraha

Farxaan Cali Axmed oo ka mid ah siyaasiinta dalka ayaa ka mid noqday musharaxiinta doonaysa inay qabtaan xilka uu baneeyay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Siyaasigan oo hadda ah qunsulka safaarada Soomaalida ee Ethiopia.ayaa ku soo biiray siyaasiinta Madaxweynaha DF Maxamed C/llaahi Farmaajo u gudbiyay Sooyaalkooda nololeed si loogu magaacabo Xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Farxaan Cali ayaa ka soo jeeda Galmudug waxa uu ku dhashay Magaalada Dhuusa-mareeb, wuxuu waxbarashadiisa heer Jaamacadeed ku soo qaatay dalka Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada kobaad BA (hon) public policy and Management iyo shahaadada labaad ee Masterka Msc in International Conflict.

Hore wuxuu uga soo shaqeeyey Hay’adaha Samafalka, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Dowladda. Waxana uu ka mid yahay siyaasiga musharaxiinta aadka loo hadal hayo.

Waa qabiir xaga diplomaasiyada oo muda kasoo shaqeeynaayey Qaramada midoobay iyo midawga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli magacaabin ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib markii toddobaadkii la soo dhaafay xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre.

Related posts

(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday bartamaha Magaalada Rome

Caydiid Ali

Daawo Video: “Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo dhaliilay siyaasadda A/Dibadda ee dowladda Somalia

admin

Somaliland oo dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u gudbisay Hay’addo Garsoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---