Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & safiirka Qadar ee Somalia? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Dr Mohammed Abdi Ware ayaa maanta Magaalada Muqdisho la kulmay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Somaliya.

Kulankaan oo aad muhiim u ahaa ayaa looga hadlay Dardargelinta mashruuca dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho ilaa Jowhar oo ay maalgalineyso Dawladda Qatar iyo sidoo kale fulinta mashaaricyo kala duwan oo laga hirgalin doono degaanada Hirshabelle.

Kulankan ayaa ku dhamaaday jawi isfaham leh, iyadoo la isku afgartay dhamaan qodobadii laga wada hadlay sida uu sheegay afhayeenka Maamulka Hirshabelle

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle  Mohamed Abdi Waare ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, isagoo shalayna la shiray Madaxweynayaashi hore ee dalka sida Cali Mahdi Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud kaasoo ahaa mid la iska warsanayay marxaladaha kala guurka ee la galay iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo ka hadlay kulan la sheegay inuu dhexmarayo Bin Salman & Netanyahu

Caydiid Ali

Cumar Finish oo dhax galay Dibad baxayaal careesan xad gudubna ku tilmaamay Bandowga (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni: “Culaysyo dhinacyada Xuduudaha ka saaran ayaa ka jirey Kismaayo” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---