Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo ka hadlay isku daygii dil uu ka badbaaday Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u canbaareeyay qaraxii argagixiso ee afaafka hore ee Madaxtooyada laga galo lagula eegtay kolanyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan  Maxamuud.

Farmaajo ayaa falkan argagixisada ah ku tilmaamay mid  halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummada, waxa uuna xusay in falkan in uu ka tarjumayo wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharfan ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.

“Tacsi murugo leh ayaan u dirayaa ehellada shacabkii aan waxba galabsan ee iyaga oo soomman ay argagixsadu ku laysay qaraxaas. Muwaadiniinta kale ee dhaawaca nafeed iyo burburka hantiyeed uu soo gaarayna waxaan Alle u weydiinayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba” ayuu yiri Farmaajo.

Related posts

Dal carbeed oo Israel la galay heshiis ku kacaya $1 Bilyan

Caydiid Ali

Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti oo xaalad deg deg ah la geliyey

Caydiid Ali

Somalia oo ashtako ka dhan ah dowlada Imaaraadka u gudbisay Golaha ammaanka ee QM (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---