Al Shabaab oo si adag uga hadashay Xil ka qaadistii Ra’isul Wasaare Kheyre

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay ka hadashay khilaafka soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre, taa oo markii dambe keentay in kalsoonida lagala noqdo Xukuumadii Kheyre hogaaminayay.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaana ka hadlay khilaafka soo kala dhax galay Madaxda Dowlada federaalka ee keenay in meesha laga saaro xukuumadii soomaaliya.

Cali Dheere sheegay in Madaxweyne  Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ay ku faani jireen in ay yihiin kuwa daacad u ah u adeegista dalka iyo ka shaqeynta horumarkiisa, waxa uuna xusay in kalatagooda hada meesha ka saaray waxii ay ku faani jireen.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab in khilaafka kala geeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre uu  meesha ka saaray himilooyinkii ay ku taahmayeen.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, wadamadii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Afhayeenka guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa cadeeyay in kalsooni kala noqoshadii Baarlamaanka ku sameeyeen Xukuumadii uu hogaaminayay Xasan Cali Khayre ay waji cusub u yeeleyso Siyaasadda Dowladda Federaalka.

Al Shabaab ayaana inta badan looga baran in ay ka hadlaan khilaafka soo kala dhax gala Madaxda dowlada federaalka, waxaana warkan kasoo yeeray Al Shabaab imaanayaa xili wali Madaxweyne Farmaajo soo magacaabin R/Wasaarihii Kheyre badali lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -