Dad badan oo u geeriyooday Daawada jeermiska disha oo Sabab yaab leh u cabeen

Dad badan oo kunool deegaan katirsan gobolka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya ayaa geeriyooday, kadib markii ay cabeen walxo lagu daray daawada loogu tala galay in jeermiska ka disho gacmaha .

Booliiska dalka Hindiya ayaa ku waramay in dad ka badan 10-qof geeriyoodeen kadib markii Khamri ahaan u cabeen waxyaabo la isku dar daray ay ku jiraan daawada jeermiska gacmaha ka disha.

Taliyaha booliska deegaan kaKurichedu, Siddharth Kaushal ayaa sheegay in dadka dhintay ay dawada jeermis dilaha ah ee lagu nadiifiyo gacmaha ku dareen biyo iyo cabitaano fudud kadibna u cabeen si uu ugu bedelo khamriga oo ay waayeen.

“Waxaan baaraynaa bal in nadiifiyaha ay ku jiraan walxo kale oo sun ah, qaar ka mid ah dadka la qabatimay isticmaalka khamriga ayaa markii ay gacmaha marsadaan dawada jeermis-dilaha ah ku mirqaama sidaasna u bilaabay cabisteeda” ayuu yiri Kaushal.

Deegaanka dadka ugu dhinteen waxlahan ay cabeen ayaa la sheegay in laga waayay khamri kadib markii xayiraadii ka dhalatay cudurka Caronavirus saameyn badan ku yeelatay iibka khamriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -