Xil ka qaadis lagu sameeyay Safiyo Xasan Sheekh iyo Gabar kale oo lagu bedelay (Wareegto)

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka looga qaaday duqii magaalada Baladweyne Safiyo Xasan Sheekh.

Wasiir Caadle wareegtada kasoo baxday ayaana xilka Duqa magaalada Baladweyne loogu magacaabay gabar kale oo lagu magacaabo Nadar Tabaax Maalin oo noqoneysa duqa cusub ee magaalada Baladweyne.

Safiyo Xasan Sheekh ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo duq magaalo ka noqota magaalada Baladweyne, waxa ay sidoo kale aheyd gabadha kaliya oo Duqa magaalo ka ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Maamulka Hirshabelle ayaa marar badan xil ka qaadis ku sameeyay Duqa Baladweyne, Gudoomiyaha degmada Baladweyne iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana dad badan mar walbo layaab ku noqota isbadalada joogtada ah ee ka jira gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -