Beelaha Abgaal iyo Habar Gidir oo isku heesta Xilka R/W iyo Farmaajo oo laga yaabo in uu…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa baadi goob ugu jira shaqsigii uu u magacaabi lahaa Ra’isul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaaliya, kadib riditaankii Xukuumadii Xasan Cali Kheyre hogaaminayay.

Siyaasiyiin badan ayaa hardan ugu jira helitaanka xilka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya dhoorka bilood ee soo socda, waxaana Madaxtooyada Soomaaliya laga dareemayaa mashquulka ku aadan xulusha Ra’isul Wasaaraha cusub.

Beelaha Abgaal iyo Habar Gudir siyaasiyiin kasoo jeeda ayaana aad ugu turtamaya xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana siyaasiyiinta beelaha wadaan olole mid walbaahi ku doonayo helitaanka kursiga Ra’isul Wasaaraha dhoorka bilood shaqeyn doona.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana siyaabo kala duwan ula kulmay Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha Abgaal iyo Habar Gidir kuwaa uu kala hadlayay magacaabista Ra’isul Wasaaraha iyo sida qolo walbo iyadu u rabto kursigaasi.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha ayaan balan qaadyo u sameeyay labada beel dadkii uu kala kumay, waxa uuna dhinac waliba ugu laab qaboojiyay in uu dhankooda ka imaan doono iskuna soo raacaan shaqsiga mudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaana laga yaabaa in labada beel Abgaal iyo Habar Gidirba kor uga baxo una magacaabo xilka Ra’isul Wasaaraha dhoorka bilood shaqeenaya  siyaasi kale oo kasoo jeeda beelaha kale ee Hawiye  .

Farmaajo ayaana la sheegay in uusan kalsooni badan ku qabin siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha Habar Gidir iyo Abgaal uu aamisan yahay in ay qabiilka aaminsan yihiin, waxaana suurto gal ah in uu door bido siyaasi kale oo kasoo jeeda beesha Hawiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale raba in uu helo siyaasi aan aaminsaneyn qabiilka sidoo kale ka shaqeyn kara qorshaha mudo kororsiga ay doonayaan Madaxtoyada Soomaaliya iyo baarlamaanka federaalka.

Waxaana si weyn isha loogu hayaa lagana dhursugayaa shaqsiga Madaxweyne Farmaajo usoo magacabai doono xilka ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya dhoorka bilood ee kahrsan mudo xileedka Dowlada federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -