Jubbaland iyo Hirshabelle oo soo magacaabay Guddiga Farsamo ee Hanaanka Doorashooyinka

Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa soo magacaabay guddiga farsamo ee maamuladaasi ku matali doona ka baaraan dagida hanaanka doorashada dalka ay noqon doonto.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu soo magacaabay labo xubnood oo guddigan ku matalaya Jubbaland kuwaa oo kala ah Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna soo magacaabay labo xunnood oo maamulkiisa ku matali doono Guddigan ka shaqeyn doona go’aan ka gaarida nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Waare ayaa soo magacaabay in guddigan ku matalaan Wasiirka Arimaha guddaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Abdul Maxamed Faarax oo ah Madaxa Xafiiska amniga ee maamulka Hirshabelle.

Guddiyadan ka kala imaanaya maamul goboleedyada dalka ka jira iyo Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay shirkii Dhuusomareeb in ay kasoo baaraan degaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waliba waqtiga ku haboon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -