Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo ka hadlay Hanaanka Doorashada Somalia iyo Shirkii Dhuusomareeb

Midowga Afrika ayaa si diiran usoo dhaweeyay shirkii magaalada Dhuusomareeb ku yeesheen Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee looga arinsanayay hanaanka doorashada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirka magaalada Dhuusomareeb ku yeesheen Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale niyad wanaag u muujiyay xubnaha guddiga farsamo ee ka imaanaya Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ee ka baaraan dagaya hanaanka doorasho ee dalka .

“Guddiga midowga afrika wuxuu qorayaa oo soo dhaweynayaa kulanka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Xubnaha Dowlada Federaalka (FMS) ee Dhuusamareeb waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo gudi farsamo oo kahadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yiri Warka kasoo Midowga Afrika.

Shirkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo go’aanadii kasoo baxay ayaa inta badan taageero loo muujiyay, waxaa horey shirkaasi usoo dhaweeyay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga oo qabtay Wiil Al Shabaab sahan qaraxyo u ahaa iyo Wasiir ka hadlay

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Carabey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay War ka soo baxay Xaaf (Akhriso)

Caydiid Ali