Masjidka Hagia Sophia oo 86 sano ka dib lagu tukanayo Salaadii ugu horeysay Jimcaha

Kaddib 86 sano oo uu matxaf ahaa waxaa berri xarigga laga jarayaa Masjidka Hagia Sophia oo ku yaalla Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaasoo salaadda Jimcaha ee ugu horeysay lagu dukan doono.

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan oo masjidkan laba jeer booqday todobaad gudihiis ayuu qorshahu yahay inuu berri daahfuro.

Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegtay in inta ay socoto munaasabadda lagu furayo masjidkan la howl gelin doono 17 kun oo Booliis ah, waxaana la xiri doonaa barxadda lagu nasto ee Sultan Ahmet, sidoo kale waxaan shaqeyn doonin tareenada iyo basaska dadweynaha Istanbul qaarkood.

Waxaa la sheegay in la dhigi doono 11 Kontrol oo amaanka lagu sugayo, Waxaa sidoo kale la baari doonaa heer-kulka dadka iyadoo la hubinayo inuu qof kasta maaskaro xiran yahay.

Waxaa sidoo kale la sameeyey 17 goob Caafimaad iyo 736 kalaaliyeyaal iyo dhaqaatiir leh oo ay wehliyaan 101 ambalaas iyo dayuuradaha Helikobtarka oo heegan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -