Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay dhigiisa dalka Ingiriiska (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska Lindsay Hoyle.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa Ingiriiska ayaa kulankooda diiradda ku saaray iskaashiga xoojinta xiriirka Baarlamaanadda labada wadan,khibrad isweydaarsiga Xildhibaanadda labada Baarlamaan Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska Lindsay Hoyle, ayaa ballanqaaday in Baarlamaanka dalkiisa uu gacan weyn ka geesan doono kor u qaadista aqoonta howlwadeenadda Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday xarunta Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska,wuxuuna warbixin ku saabsan habka uu u shaqeeyo baarlamaanka wadankaasi ka dhageystay dhigiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashadii Jarmalka oo lagu kala baxay & natiijo lama filaan ah oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Wasiirka A/dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay..

Caydiid Ali

Shirkada Somtel oo soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magac daray Subcis

Cabdi Cade
Taboola Ads ---