Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow oo caawa fiidkii ah ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska Taleex oo ku dhow Km-4 sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo jugtiisa meelo badan laga maqlay uu ka dhacay Dhisme qabyo ah oo ka soo horjeedka  Maqaayada Creams iyo xarunta Premier Bank oo ku yaalla halka ay iska galaan wadada Maka Al-Mukarama iyo mida Taleex.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sida uu qaraxan u dhacay hadana wararka qaar ayaa sheegaya in loo adeegsaday bac madow lagu soo qariyey waxyaabaha qarxa oo wadada dhinaceeda la dhigay oo.

Weli ma cadda cida qaraxan lala beegsanayey iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka DF oo hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka ee goobtaas.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari uu leeyahay Wasiir ku-xigeenka amniga xukuumada Somalia, waxaana la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen shacab ka dhowaa goobta oo illaa afar qof lagu sheegay

La soco wixii ku soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia iyo Jen. Xuud oo la heshiiyey DF

Caydiid Ali

Koox la magac baxday Cali Qaran oo dagaal la gashay Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farqiga u dhaxeeya wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Soomaaliya iyo midka rasmiga ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---