Tababar loo qabtay Guddiga qaban qaabada Dhismaha Gollaha Deegaanka Gaalkacyo (Sawirro)

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Waxaa tababar loogu Qabtay Gudiga qaban qaabada Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Tababarkaan oo socon doona dhoor maalmoof   ayaa Gudiga qaban qaabada lagu siin doonaa  Casharo Ku Aadan Qaabka ugu Wanaagsan Ee loosoo Xulo Golaha Deegaanka iyada oo la Qancinayo Dhamaan Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan.

Hay, adaha kala ah CRD, FCA iyo Eisa ayaa suura galiyey qabsoomida tababarkaan loo qabtay guddiga qaban qaabada dhismaha gollaha deegaanka Gaalkacyo.

Cabdi Shiiq Doon Nageeye oo ku hadlayey afka hay, adahaan kana mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Hay, adda CRD ayaa dardaaran qoto dheer u jeediyey gudiga qaban qaabada dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo.

Waxa uu guddiga tababarka loo furay u sheegay Mr Nageeye in loofa fadhiyo soo dhisida golle deegaan ay raali kawada yihiin bulshada ku dhaqan Degmada Gaalkacyo.

Degmooyin katirsan Galmudug ayaa loo dhisayaa golle deegaan, waxaana dhismaha gollaha deegaanka gacan ka geesanaya Hay,addaha CRD iyo FCA.

- Advertisement -