Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Baarlamaanka Puntland oo la iibinayo iyo Sababta keentay oo la Ogaaday !!

Xildhibaanada Baarlaaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa intooda badan waxa ay ogolaadeen in la iibiyo Dhismaha xarunta ay hada ku shiraan oo kuyaala magaalada Garawe ee caasimada Puntland.

Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa Xildhibaanada usoo gudbiyay qorshaha lagu iibinayo xaruntan oo ay sheegeen in aysan ku aalin goob istaraatiiji ah sidoo kale aan la isku haleyn karin amaankeeda maadaama goobo ganacsi ku dhaw yihiin.

Xildhibaanada ayaa ogolaaday in xarunta ay ku shiraan la xaraasho lana helo dhismo kale oo kuyaala goobo muhiim ah, waxaana jiray tiro Xldhibaano aad u yar oo kasoo horjeestay qorshahan lagu iibinayo xarunta Baarlamaanka Puntland.

Wali Gudoonka Baarlamaanka Puntland ma shaacin xiliga la iibinayo xaruntan iyo waliba qaabka suuqa loo geynayo, waxaan sidoo kale la ogeyn halka ay kusii shirayaan Xildhibaanada Puntland inta ay ka helayaan xarun kale oo rasmi ah.

Maamulka Puntland ayaa horey ganacsato uga iibiyay xarumo dowladeed gaar ahaan xaruntii Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo laga iibiyay shirkada Dahabshiil oo ka dhisatay mid kamid ah dhismooyinka ugu qurxoon Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo shaaciyay in Al Shabaab bilaabeen in ay isa soo dhiibaan

Cabdi Cade

Wiil Falastiini ah oo Mindi iyo gaari ku dilay labo qof oo Israa’iil u dhalatay

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo cafis u fidiyay qof aan ahayn kii laga codsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---