Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Goordhaw ku bur burtay garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif (Sawirro)

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw diyaarad raashin iyo agab kale waday ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Diyaarada ayaa la sheegay in xiligii ay garoonka ka dageysay uu qaac ka baxayay uuna qabsaday dab, waxaana duuliyhii diyaarada ku guuleestay in uu diyaarada si nabad galyo ah ku dejiyo.

 

Sida aan wararka ku helnay sadex qof uu ku jiro duuliyihii diyaarada ayaa ka bad baaday shilka , waxaana la sheegay in diyaarada ay soo gaartay waxyeelo xoogan, lamana oga ilaa hada waxa sababay shilkaasi iyo dabka qabsaday qeyb kamid ah diyaarada.

Ciidamada AMISOM ee jooga garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaana u gurmaday diyaarada shilka gashay,  waxaana la arkayay ciidamada AMISOM oo daminta dabka qabsaday diyaaradaasi u adeegsanaya biyo baaldiyo lagu shubay.

 

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka murugooday xaalada ka taagan Qabuuraha Iskool Buluusiya

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah oo beri la filayo in uu soo gaaro Muqdisho iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Shirweynaha Dhaqaalaha Islaamiga ah ee Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---