Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda Warbaahinta oo cabashooyin u gudbiyey Raisul Wasaaraha Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Somalia mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxda Warbaahinta gaarka ah iyo ururrada u dooda xuquuqda suxufiyiinta.

Xubnaha ka qeyb galay kulan ayaa Ra’isul Wasaaraha u gudbiyey cabasho ku saabsan tacadiyada lagu haayo saxaafadda Soomaaliyeed.

Arrimaha cabashada laga muujiyey waxaa ka mid ah dacwada loo heysto weriyeyaal qaarkood xiran yihiin iyadoo aan maxkamad la soo taagin, Aqoon darrida ciidamada ammaanka ee dhanka xuquuqda saxaafadda iyo qdobo kale.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu ku garab taagan tahay suxufiyiinta gudashada waajibaadkooda shaqo, isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada wuxuuna balan-qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha cabashada laga muujiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burundi oo shaacisay tirada askarta looga laayey Weerarkii ka dhacay duleedka Balcad

Caydiid Ali

Dowlad weyn oo dalkeeda ka mamnuucday Maraakiibta wata Calanka maamulka Israa’iil

Cabdi Cade

Sadiiq Khan oo la kulmay Wiilka Eng Yariisow iyo Duqeyn culus oo lala beegsaday …

admin
Taboola Ads ---