Tiro Madaafiic ah oo goordhaw lagu garaacay Madaxtooyada iyo Khasaaro ka dhashay

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Madaafiicdan lagu soo waramayaa in uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah .

Ku dhawaad 5 Madfac ayaa kusoo dhacday xaafado katirsan Degmada Warta Nabada gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw Xarunta Madaxtooyada, waxaana madaafiicda qaar ku dhaceen xaafado dad shacab ah degan yihiin.

Sida aan Wararka ku heleyno afar qof oo isku qoys ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan ku dhacday xaafado ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya , waxaana dadka dhaawacyada qaar qaba lasoo sheegayaa in dhaawacyo culus qabaan.

Maamulka gobolka Gobolka Banaadir iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin madaafiicdan goordhaw lagu garaacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada.

Inta badan Madaafiicda lagu garaaco magaalada Muqdisho ayaa khasaaraha xoogiisa waxa uu kasoo gaaraa dad shacab ah, waxaana inta badan gacanta laamaha amaanka ka baxsada dadka ka dambeeya Madaafiicdaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -