Madaafiic goordhaw lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Tiro madaafiic ayaa goordhaw kusoo dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyin ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya , waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaafiicda goordhaw la maqlay lagu tuuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaafiicda qaarkood ayaana ku dhacay xaafado ka fog fog madaxtooyada.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa lasoo warinayaa in uu ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo kuyaalla isgooska Hotelka Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah oo gurigaasi ku sugnaa.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda maamlahan mid sii xumaanaya, waxaana magaalada ka dhacaya iska hor imaadyo dilal qorsheesan iyo sidoo kale weeraro loo adeegsado madaafiic.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -