(Sawirro) Meydka duqii magaalada Seoul oo laga helay dhul keyn ah & baaritaan socda

Booliska Koofurta Kuuriya ayaa helay maydka duqii caasimadda dalkaasi ee Seoul oo la waayey tan iyo khamiistii shalay.

Park Won-soon ayaa gabar uu dhalay waxaay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu u dhaafay fariin taasoo sare u qaaday su’aalo iska waydiinta sababta iyo shakiga la xiriira in la waayo.

Maydkiisa ayaa laga helay keynta Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul, una dhow meel wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameeyay .

Qiyaastii 600 oo booliis iyo kooxaha gurmadka adeegsanaya diyaaradaha drones-ka loo yaqaano iyo eeyo ayaa baarayay aaggaas muddo saacado ah Khamiistii.

Mr Park waxaa loo doortay markii 3aad duqa magaalada Seoul sanadkii 2011-kii oo haatan laga joogo sagaal sano.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa in la dilay ama uu isdilay Booliskana waxay ku gaabsadeen iney wadaan baaritaan,  balse Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay ku soo oogtay dacwad la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah oo uu ku sameeyey sababtaas awgeed inuu isku dilay ayaana la tuhunsan yahay.

Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxweynaha sida ay baahisay wakaalada wararka ee K/koonfurta Kuuriya

Booliska ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo keyn caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -