Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Ciidan oo saakay lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolaso ku hubeesan ayaa saakay Isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Minishiibiyada sidoo kale ahaa abwaan fanka caan ka ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan ay rasaas ku fureen sargaalka xili uu marayay isgooska Siinay, waxaana la sheegay in mid kamid ah ragii dilka geestay ciidamada amaanka qabteen.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Dawiil Cabdi waxa uuna katirsanaa ciidanka minishiibiyada, sargaalkan ayaa sidoo kale ahaa abwaanka heesaha u sameeya kooxda Onkod oo kamid ah kooxaha fanka ee dalka ka jira.

Dilalka qorsheesan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa kuwa tiro yar, waxaana dilkan uu imaanayaa xili ciidamada amaanka ka howlgalaan isgoosyada iyo qeybo badan oo magaalada kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo soo saartay Amar ku socda Hay’adaha iyo Hoteelada Kuyaalla Deegaanadeeda

Cabdi Cade

Xildhibaano badan ay ku jiraan kuwii lagu doortay Ceel-Waaq oo gaaray Teendhada Afisiyooni

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo fashiliyay qarax shacabka lagu dhibaateyn rabay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---