C/raxmaan C/shakuur: “Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato iyo boor isku qaris ah”

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa soo dhoweeyey hadalkii xalay ka soo yeeray RW Somalia ee ahaa inaysan jirin wax muddo kordhin ah, doorashadana ay ku dhaceyso xiligii loogu talo galay.

“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Xukuumada ee ah in doorasho la isku raacsan yahay ay xilligeeda ku dhacdo. Waxaan kaloo bogaadinayaa hadalka Raysal waasaraha ee ahaa ‘in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan muddo kordhin’, sida uu sheegayna muddo kordhintu waxey horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur. Waxaan ugu baaqayaa guddoonka Golaha Shacabka iyo xildhibaannada ku fekeraya muddo kororsiga in ay deegaan doorashadooda aadaan dadkoodana ku kalsoonaadaan” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Hase ahaatee hogaamiyahan mucaaradka ah ayaa dhaliilay mowqfika Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan doorashada oo uu ku tilmaamay mid caato ah oo boor isku qaris ah isagoo qoraal kale oo uu soo saaray ku yiri sidatan:-

“Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’?”

“Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya”

“Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay”

“Soomaalidu waxay ka sugeysaa madaxda Dowlad Goboleedyada ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cida muddo kororsiga diiddan, ogol doorasho xilligeeda ku dhacda iyo talo wadaag saamileyda siyaasadeed qayb ka tahay”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -