Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Lafta Gareen oo goordhaw lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuusomareen ee caasimada Galmudug.

Wafdiga Lafta Gareen hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug oo la filayo in maanta galinka dambe ka furmo shirka Madaxda maamul goboleedyada isugu imaanayaan.

Saacadaha soo aadan ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Dhuusomareeb gaaraan Madaxweynayaasha maamulka Jubbaland iyo Puntland, halka uu horey Galmudug shaay u gaaray Madaxweynaha Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Baaq muhioim ah u diray saamileyda Siyaasada Soomaaliya ee is khilaafsan

Cabdi Cade

Ayaxa dayuurad ku qasbay iney ka laabato garoon ay ku degi laheyd (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo dil & dhaawac loo geystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---