Nin guryo kuyaalla Muqdisho awood ciidan ku burburiyay oo la xiray (Sawirro)

Ciidanka booliska ee ka howlgala saldhigga Degmada Hodan ayaa xiray nin lagu eedeeyay in uu si sharci daro ah u burburiyay guryo ay la haayeen dad shacab oo kuyaalla xaafada Soonakey ee degmada Hodan.

Ninkan ciidamada booliiska xireen ayaa la sheegay in uu burburiyay guryo ay lahaayeen dad shacab ,kaddib markii uu muran dhax maray dadkii lahaa guryahaasi.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan ay xireen uu adeegsaday awood ciidan uuna si sharci darro ah u burburiyay guryo dad shacab lahaayeen.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan sida sharci darada ah u burburiyay guryaha shacabka lagu baarayo kiiskiisa xarunta CID-da, loona gudbin doono maxkamad si caddaalada loo horgeeyo.

- Advertisement -