Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo gaaray Dhuusomareeb (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminay.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweynaha Hirshabeelle iyo xubnaha la socday oo Dhuusomareeb u tagay ka qeyb galka Shirka wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

Madaxweyne Waare iyo xubnaha la socday ayaana loo galbiyay aqalka Madaxtooyada maamulka Galmudug halkaas uu kula hadlay warbaahinta ugana warbixiyay ujeedka safarkiisa Dhuusomareeb.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aadan ilaa beri ay gaaraan madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaa oo ka qeyb galaya shirka beri halkaasi uga furmaya madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eritrea oo ka jawaabtay Xasuuq lagu eedeeyey inay ka geysatay gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Nabadoon Sabtidii lagu dilay Muqdisho oon wali la aasin iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Maxay ka wada hadleen Shiikh Shariif & Guddoomiye Cumar Filish?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---