Eritrea oo ka jawaabtay Xasuuq lagu eedeeyey inay ka geysatay gobolka Tigrey

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Internationa ayaa warbixin ay soo saartay ku shaacisay in ciidamado Eritrea kasoo jeeda oo ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey ay geesteen xasuuq .

Warbixin ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay  dil wadareed ciidamada Eritrea ka  fuliyeen 28-kii iyo 29-kii bishii November ee sanadkii hore magaalada Aksum uu noqon karo fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadannimada.

Wasiirka Warfaafinta ee Eretria, Yemane G Meskel, ayaa si deg deg ah u beeniyay eedeyntan ku aadan in Ciidamada Eritrea xasuuq ba’an ka geesteen magaalada Aksum oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tigrey.

Yemane G Meskel, ayaana warbixinta ku sheegay mid aan raad laheyn oo been abuur ah, waxa uuna xusay in dadka ay haya’dda wareesatay ay yihiin dagaalyahano katirsanaa TPLF kuwaa uu sheegay in ay joogaan xero xaqooti oo kutaala Sudan.

“Warbixinta waxay inteeda badan ku saleysan tahay markhaatiga ay bixiyeen 31 qof oo ku sugan xerada qaxootiga Hamdayet ee gudaha Suudaan, dadkan ayaana ah dagaalyahnadii TPLF ee xasuuqa geestay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eritea.

Ciidamada Eritrea ayaa gacan ku siiyay ciidamada federaalka Itoobiya dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey, waxaana ciidamada is baheestay lagu eedeeyay in tacadiyo iyo xasuuq u geesteen dad shacab ah oo ku sugan gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -