Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Sabtidii lagu dilay Muqdisho oon wali la aasin iyo Sababta ka dambeysa

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa galabtii sabtida bar koonatrool oo kuyaala agagaarka Daarto Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay nin Nabadoon ah oo la socday Mooto Bajaaj isagoo sidoo kale dhaawacay wadihii mootada.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Nabadoon Muxumad Cismaan Cagey (Bidaar) ayaa eheladiisa ka biyo diideen in la aaso, waxa ayna codsadeen in marka hore gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka ka dambeeyay oo baxsad ku jira.

Meydka Marxuumka ayaa habeenkii labaad ku baryay Filinjeer, waxa ayna ehelada ka codsadeen taliska ciidanka booliiska Soomaaliya in marka hore lasoo qabto askariga dilka geestay kadibna ay aasi doonaan marxuumka.

Sida aan xogta ku helnay askariga dilka geestay ayaa baxsaday markii uu dilay ninka odayga ah, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu u baxsaday gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaan uu kasoo jeedo.

Aabaha askariga dilka geestay oo isna ah sargaal katirsan ciidanka dowlada ayaa la sheegay in looga yeeray xarunta CID-da, waxaana askarigan dilka geestay damiin ka ahaa Aabihiis oo saraakiisha ciidanka dowlada katirsan.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa kordhiyay dilalka iyo tacadiyada kale ee u geesanayaan dadka shacabka ah ee loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaankooda, waxa ayna arimahan kala fogeenayaan ciidanka iyo shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

QM oo aqoonsatay xeer ay qarniyaal ku dhaqmayeen bulsho Soomaali ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Masuuliyiin tababar u xiray ciidan ka tirsan Booliska DF oo loo xilsaaray..

Caydiid Ali

Xildhibaanada Hirshabelle oo la yimid Qorshe ay ku heli karaan Mushaarkooda ka maqan!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---