Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Itoobiya oo xir xirtay saraakiil sar sare oo katirsan Jabhada OLF

Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay saraakiil sar sare oo katirsan jabhadda Oromada ee OLF, oo hada isku bedelay xisbi siyaasadeed mucaarad ku ah dowlada uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Saraakiishan katirsan OLF ayaa lagu xiray xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa kadib markii ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen, waxaana xariga xubnahan amar ku bixiyay madaxda sare ee Itooviya.

Gudoomiyaha Oromo Liberation Front (OLF) ayaa xaqiijiyay xariga loo geestay xubnahan sar sare ee katirsana ururkiisa, waxa uuna sheegay Gudooiyaha in aysan war badan ka heyn halka la geeyay saraakiishaasi.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dilkii loo geestay Fanaan caan ah oo u dhashay Oromada, waxaana dowlada xabsiga ku gurtay siyaasiyiin iyo xubno magac ku dhax lahaa Qowmiyada Oromada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF (Maxaa sababay)

Caydiid Ali

Prof. Saciid Ciise” :Ciyaarta dhuumashowga siyaasadeed ee Xassan & Deni waxaa ka dhalan karta..”

Caydiid Ali

Bankigii dhiigga oo Soddon sano ka dib la howlgelinayo & Khayre oo dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---