Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo baxay kulankii Gudoonka Golaha shacabka, Shiikh Shariif & Xasan Shiikh?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaashii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa wada tashiga Arrimaha doorashooyinka soo socda ee dalka iyo sidii isfaham looga gaari lahaa sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay guddoonka baarlamanka Somalia.

Kulankan oo goor dhow soo gabagaboobay ayaa ahaa kii ugu waqtiga dheeraa ee dhexmara labada dhinac, isagoo qaatay ku dhowaad shan saacadood sida ay allbanaadir online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Labada dhinac kama hadlin natiijada ka soo baxday kulankooda balse wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal iyo Muudey oo Madaxweynaha wakiilka ka ahaa ay kala hadleen Madaxweynayaashi hore arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida doorashada iyo in la bilaabo jawi is faham leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ay ku dhinteen dad ka badan 40-qof oo maanta ka dhacay deegaanka Dhumay

Cabdi Cade

Somalia: Ku dhowaad 100 qof oo laga helay COVID-19 & dad cusub oo u dhintay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo safar shaqo ugu baxay Dibadda iyo xog ku aadan ujeedka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---