Xildhibaan si adag uga hadlay Banaan baxii maanta dowlada xooga ku joojisay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay rasaas ku kala eryay dad aan badneyn oo saakay banaan bax ka dhan ah dowlada ka dhigayay taalada Daljirka dahsoon ee kutaala degmada Boondheere .

Booliiska ayaana rasaas nool nool ku riday dadkii dhigayay banaan baxa looga soo horjeeday mudo kororsiga dowlada wado, waxa ayna ciidamada xireen qaar kamid ah dadkii horkacayay banaan baxaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo katirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay in ciidamada dowlada rasaas nool nool u adeegsadaan dad usoo baxay in ay dareenkooda cabiraan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in aysan suurto gal aheyn in gaadiid dagaal iyo ciidamo badan lagu waardiyeeyo dadka dhigaya banaan baxyada lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo halka kuwa kasoo horjeedana lagu weerarayo.

”Dastuurka ayaa damaanad qaadaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay cabashadooda iyo taageeradooda isku soo bax nabadeed ku cabiri karaan, waxaan cambaareynayaa in rasaas nuucyadeeda kala duwan loo adeegsado muwaadiiniin si nabad ah isugu soo baxey maanta  Muqdisho, suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro.” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Odawaa ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay socdeen abaabulo banaan baxyo looga soo horjeedo mudo kororsi la sheegay in ay qorsheenayaan Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -