Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safar qaatay mudo 10-cisho ah ugu maqnaa dalka Qatar.

Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uga hortagay si weyna ugu soo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan labada aqal iyo masuuliyiin kale.

Kheyre ayaa safar maalmo badan qaatay oon la ogeyn waxa uu salka ku hayay ugu maqnaa dalka Qadar, waxaana maalmihii lasoo dhaafay warar kala duwan kasoo baxayeen safarka uu u tagay Qadar oon inta badan warbaahinta aan lala wadaagin.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaana soo dhaweyntiisa maanta ka duwaneyd kuwii hore, waxaana Ra’isul wasaaraha inta badan marka uu dalka kusoo laabto soo dhaweyn jiray xubno yar oo wasiiro iyo shaqaalo katirsan xafiiskiisa ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -