Diyaarad shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Baardhaare (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi shil ku gashay diyaarad nuuca yar yar ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oon wali la shaacin waxa ay waday ayaa shil aan khasaaro nafeed geesan ku gashay garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana diyaarada oo nuuceedu ahaa 5Y-WFC soo gaaray waxyeelo.

Sida aan wararka ku helnay diyaaradan ayaa xabadka dhigatay garoonka diyaarada degmada Baardheere, waxaana diyaaradan shiilka gashay iska leh shirkada lagu magacaabo Buff Air .

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Baardheere iyo Wasaarada duuliista hawada Xukuumada Soomaaliya oo ku aadan shilkan diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Baardheere.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -