Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo Kuuriya woqooyi u balan-qaaday Barwaaqo, haddii ay fuliso shuruud kaliya

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Maraykanku uu kuuriyada waqooyi gacan ka siinayo dib u dhiska dhaqaalaheeda haddii xukuumadda Pyongyang ay ogolaato in ay joojiso hubkeeda Nuclear-ka.

Mr Pompeo ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu kulan kula qaatay magaalada Washington dhiggiisa kuuriyada koonfureed.

Wuxuu dhawaan kasoo laabtay booqasho uu ku tagay Pyongyang taas oo uu ku sheegay in uu wadahaddalo diirran la sheegay hoggaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Xoghaye Pompeo ayaa sheegay in uu wadahaddalo heer sare ah la yeeshay Kim Jong Un, kuwaas oo ku saabsan go’aanada istiraatiijiga ah ee horyaal, iyo in hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi uu diyaar u yahay in uu faraha ka qaado dhammaan hubkiisa Nuclear-ka asagoo ku baddalanaya ballanqaadyo loo samaynayo.

Waxa uu sheegay in taasi ay u baahnaan doonto barnaamij xooggan oo caalami ah. Taas oo loo baahan yahay in ay u dhacdo si dhakhso ah. Balse waxa uu sheegay, haddii taasi ay dhacdo, in Maraykanku uu kala shaqayn doono Pyongyang sidii ay ugaari lahayd hormar iyo barwaaqo si lamid ah Kuuriyada Koonfureed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Muhoozi Kainerugaba oo go’aansaday in uusan aabihiis la tartamin

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Caydiid Ali

Qiimaha Xajka ee Sannadkan lagu qaaliyeeyay Xujeyda Soomaaliyeed oo laga qeyliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---