Ciidanka Liyuu boolis oo gacanta ku dhigay 40 bastooladood iyo raggii watay (Sawirro)

Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay hub sharci daro ah oo gaaraya 39 bastooladood.

Hubkan ayaa lagu qabtay gaari Hilux oo marayey tuulada Qaran oo u dhow magaalada Wajaale, kaasoo ka soo gudbay xadka Somaliland sida ay sheegeen saraakiisha degaanka Soomaalida.

“Ciidanka oo howlihiisa shaqo ee caadiga ah ku jira, isla markaana baaraya mid ka mid ah gaadiidka dhanka Wajaale ka yimid ayaan ka helay 39 xabo oo bastoolado ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis.

Waxaa uu intaas ku daray in la xiray saddex qof oo la socotay gaariga lagu qabtay hubkaasi, ayna ku socdaan baaritaano la xiriira cida iska leh hubkaas iyo halka loo waday.

Dhowaan ayey aheyd markii Ciidamada degaanka Soomaalida ay gacanta ku dhigeen gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo ka baxay degaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -