Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in DF hakisay Duulimaadyadii tegi lahaa Boosaaso?

Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeysay inay hakisay duulimaadyadii Maanta tagi lahaa magaalada Boosaaso, oo ay ku jirto diyaaradda Ethiopian Airlines.

Lama oga sababta ka dambaysa hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay ku wargelisay shirkadaha duulimaadka in halis amni daro ay ka jirto garoonka Boosaaso.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa tallaabadan ku macneeyey inay tahay qayb ka mid ah faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo diyaaradaha ku wargelisay inaysan ka degi karin Boosaaso.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaan ilaa hadda ka hadlin wararka sheegaya iney baajisay duulimaadyadii tegi lahaa magaalada Boosaaso

Dhowr maalmood kahor ayay ahayd markii ciidanka PSF ay soo saareen digniin ay ku joojinayaan duulimaadyada Boosaaso, iyagoo ku eedeynaya maamulka garoonka iney diideen in halkaas laga duuliyo askar dhaawac aheyd.

Related posts

Puntland oo 11-qodob oo Xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Tukaraq (Akhriso)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dowlada Talyaaniga oo Qalab iyo Daawooyin ku wareejisay Taliska Ciidanka Milatariga

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xilal u Magacaabay mas’uuliyiin cusub (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---