Qaar kamid Madaxda maamul goboleedyada oo diiday Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo maanta…

Waxaa dib u dhac ku yimid shir la filayay in maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ugu furmo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan waxaa horey u iclaamiyay Madaxtooyada Soomaaliya iyadoona lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada si looga arinsado arimaha amniga iyo sidoo kale doorashada dalka.

Sida aan wararka ku helnay waxaa shiran ka qeyb galkiisa diiday Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo aqbalay codsiyo uga yimid Baarlamaanada maamulkooda oo dalbaday in aysan ka qeyb galin shirka Muqdisho.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka carooday in Madaxweyne farmaajo fulin waayay balan horey uwada galeen oo ahaa in la joojiyo xeerarka Baarlamaanka ansixinayo inta heshiis laga gaarayo.

Waxa ay sidoo kale madaxda Jubbaland iyo Puntland kasii xaroodeen go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka ku ansixiyeen in gobolka Banaadir matalaad ku yeelato aqalka sare lagana siiyo 13-kursi.

Shirka oo la filayay in maanta furmo uuna socdo ilaa 8-da bishan ayaan u muuqda mid fasilmay oon dhaceyn, waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho soo gaarin madaxda maamulada kale ee dowlada taageera sida Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dib u dhacan ku yimid shirkii horey u iclaamisay, lamana oga in mar kale Madxatooyada kulan kale oo deg deg ah isugu yeeri doonto Madaxda maamul goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -