Xukuumada Itoobiya oo qaaday talaabooyin ay uga hortageyso faafinta Banaan baxyada socda

Dalka Itoobiya waxaa wali ka socda banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dilkii loo geestay Fanaan caan ah oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada iyo xarig loo geestay Hogaamiye Jawar Maxamed oo caan ka ah Itoobiya Mucaaradna ku ah dowlada.

Amar kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu xiray xarunta ugu weyn ee Telefishinka Oromia Media Network, dowlada ayaana ku eedeesay telefishinkan in uu ka shaqeenayay kicin dadweyne iyo mid diimeedba.

Telefishinkan ayaana si weyn u baahinayay banaan baxyada rabshadaha watay ee ka socday magaalooyin waa weyn oo kuyaala dalka Itoobiya, kaa oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka Hachalu Hundessa.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in la baarayo telefishinka Asrat oo ku hadla afka  Amxaarada iyo sidoo kale telefishinka Dimtsi Weyane oo isa wararka iyo barnaamijyada ku baahiya luqadda Tigreega.

Talaabadan lagu xiray telefishinka Oromada kuwa kalana lagu baarayo ayaa la sheegay in dowlada ku dooneyso in ay uga hortagto faafinta wararka la xiriira banaan baxyada socda sidoo kale lagu cabsi galinayo warbaahinada kale ee madaxa banaan.

Itoobiya waxaa maalmihii lasoo dhaafay gil gilay banaan baxyo rabshado watay oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof, waxaana dowlada ciidamo badan oo booliis iyo milatari ah geesay magaalooyinka ay rabshadaha xoogan ka socdeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -