Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wufuudii Aqalka sare oo lagu soo dhoweeyey Baydhabo iyo Kismaayo (Daawo Sawirro)

Labo Wafdi oo ka socda aqalka sare oo maanta ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ah ee xarumaha KMG ah ee Maamulada Jubbland iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa si weyn u soo dhoweeyeY Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wufuudan oo ka kooban min toban Xubnood ayaa waxay magaalooyinkaasi u tageen sidii xal waara iyo isfaham looga dhex abuuri lahaa  dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay.

Wafdigii ugu horeeyay ee golaha aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Garowe, iyagoo kulamo la leh madaxda Dowlad Goboleedka Puntland waxayna la kulmeen madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Golaha Wakiilada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ku jeeday Turkiga oo deg deg u fariisatay dalka Spain (Akhriso Sabab yaab leh)

Caydiid Ali

Ciidamada huwanta oo saaka Weeraray degaano ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Caydiid Ali

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goleedyada oo Muqdisho soo gaaray Xili khalalaase jiro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---