Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Oday ka tirsanaa Shaqaalaha heyadaha DF oo caawa lagu dilay Muqdisho

Nin ka mid ahaa shaqaalaha ka howlgalada heyadaha dowlada Somalia ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xaaji Xassan Wiish oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Duulista hawada ee Xukuumada Somalia ayaa la soo sheegayaa inuu geeriyooday ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan.

Dableyda dilka fulisay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Marxuum Xaaji Xassan Wiish oo ahaa nin da’ ah uu muddo ka badan 50 sano ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Duulista hawada ee Xukuumada Somalia.

Dadka yaqaanay Marxuum Xaaji Xassan Wiish ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin cibaado badan, afgaaban, dadkana aad u ixtiraama.

Ma jirto cid sheegatay dilka marxuumka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta DF iyo ciidamada ajnabiga ah ee taageerada siiya.

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa xoogeystay 48kii saac ee la soo dhaafay, xalay ayeyna aheyd markii degmada Dharkeynley lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Baambeyda, iyadoo habeenkii ka horeeyeyna la dilay Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca amniga ee degmada Yaaqshiid ka dib qarax loogu xiray gaarigiisa.

Related posts

Ciidamada Macawisley oo toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ka mid ahaa..

Caydiid Ali

Fiqi oo ka qeyb galay kulanka loogu gogol xaarayo Meertada 15aad ee Shir madaxeedka OIC

Caydiid Ali

Xildhibaan sheegay inuu ka badbaaday weerar la doonayey in lagu qaarajiyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---