Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay xiliga dib loo furayo Duulimaadyada gudaha

Shir golaha wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 2020, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u Dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad Ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo Isku Dhaf ah oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad Ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad La Xiriira Wada-tashiga Siyaasadeed ee Qadiyadaha ay Wada Danaynayaan Labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin dhalay in ka badan 100-carruur ah oo go’aansaday in Xaasaskiisa dhalmada ka joojiyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dood cilmiyeed lagu qabtay Machadka Diblomasiyadda & Tababarada

Caydiid Ali

Haweeney lagu soo dalacay biil koronto oo gaaraya 284 bilyan oo dollar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---