Sidee Madaxweyne Qoor-qoor loogu soo dhoweeyey degmada Balanbale? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug oo hadda soo gaaray Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha waxa socdaalkan ku wehlinayey Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo qaar kamid ah gollaha wasiiradda.

Madaxweyne oo garoonka kubadda cagta kula hadlay dadweyne isu soo baxay ayaa sheegay in degmada Balanbal lagu qabano gogol dib-u-heshiisiineed ee beelaha degga Galmudug.

Qoor-qoor iyo wafdigiisa ayaa socdaal ku soo maray degmooyin iyo degaano ka tirsan Galmudug oo ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Caabudwaaq iyo Xeraale oo ay ka soo ambabaxeen saaka ka hor inta aysan soo gaarin degmada Balanbale oo saaran xadka ay wadaagaan Galgaduud iyo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -