Ciidamada booliiska oo gacanta kusoo dhigay rag dil ka geestay magaalada Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan labo nin oo burcad ah oo dhawaan dil magaalada Muqdisho ugu geestay wiil dhalinyaro ah xili ay ka dhacayeen mooto uu watay.

Burcadan booliiska soo qabteen ayaa xilli habeen ah waxaa ay Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid 21-kii Bisha dhamaatay ee June ku dileen Cabduqaadir Cabdullahi Goosaar xili ay ka dhacayeen mootada labo lugeyda ee loo yaqaan Fekon.

Ciidamada booliiska oo dabagal ku hayay kiiskan dilka ah ayey u suurto gashay in ay helaan mootadii laga dhacay marxuunka la dilay, waxaana baaritaano kadib la ogaaday in labada nin ee dilka geestay siina iibsaday mootadii uu lahaa marxuunka.

Saraakiil katirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in burcadan hada gacanta laamaha amaanka ku jiraan uuna ku socdo baaritaano kadibna la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado dambiga ee geesteen.

Ciidamada booliiska ayaa ku guuleestay in magaalada Muqdisho kusoo qabtaan askar iyo kooxo kale oo dilal iyo dhac ka geestay caasimada, waxaana dadkaasi qaarkood la saaray maxkamad iyadoona lagu riday xukuno kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -