Dhisme ku yaalla Magaalada Nairobi oo laga kala cararay ka dib markii lagu arkay..

Booliska ka hortaga qaraxyada ayaa maanta geeyey dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi oo laga kala cararay ka dib markii warqad hanjabaad ah looga dhex tagay wiishka dhismahaas.

Kala cararka ayaa yimid kadib markii dad aan la aqoon ay wiishka uga dhex tagay warqad ay ku qornayd in walxaha qarxa uu ku jiro dhismaha Yare Plaza.

Taliyaha saldhigga booliiska Starehe Julius Kiragu ayaa sheegay in dhismahaasi loo diray khubarada bambooyinka ku takhasusay kuwaasoo baaray dhismaha gudihiisa.

Dhammaan dadkii ku sugnaa dhismaha Yare Plaza ayaa halkaasi laga daadgureeyay, iyadoo warqada laga helay halkaas lagu qoray digniin sheegeysa in bamka ku jira dhismaha uu qarxi karo xili kasta

Khubarada ayaa markii dambe dadka ku wargaliyay in aanay jirin wax qarax ah oo dhismaha ku xiran, Waxaana dib loo soo celiyay isu socodkii gaadiidka iyadoo waddada dib loo furay.

Dhismaha Yare Plaza ayaa ah dhismo ganacsi oo ku yaalla bartamaha xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -