Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shacab careysan oo dibed-bax rabshado wata ka dhigay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Shacab boqolaal gaaraya ayaa maanta bannaanbax careysan ka dhigay qeybo ka mid ah Muqdisho, iyagoo xiray qaar ka mid ah jidadka magaalada.

Dadka dibed-baxayey ayaa dalbanayey in cadaaladda la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkii guddoomiyaha degmada Hodan oo xalay ku baxay rasaas ay fureen askar ka tirsan ciidaamada DF.

Shacabka dibad baxayey ayaa xiray isgoyska Tarabuunka, waxayna wadadda ku gubeen taayaro, iyagoo dhagxaan ku tuurayay gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu guddoomiyihii degmada Hodon ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday inta u dhaxeysa is-goysyada Aaden Cadde iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, isagoo magacaabay guddi soo baara sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Prof. Dufle: “Sigaarka & Shiishadu waxay fududeeyaan qaadista & faafida cudurka COVID-19”

Caydiid Ali

Xamaas oo hal arrin ku goodisay ka dib xasuuqii saaka ka dhacay Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyay kulanka FGC

Cabdi Cade
Taboola Ads ---