Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo ansixiyey xeer muran badan dhaliyey

Kooramka ama guntanka Kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka oo ku furmay 150-mudane  waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana sidoo kale kulanka joogay guddoomiye kuxigeenadda koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka.

Labada Ajende ee kulanka oo kala ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn iyo sii wadida ka doodista Xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacabka,waxaana goluhu uu ku hormaray Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha aan dowliga aheyn oo uu goluhu u faah faahiyay Wasiirka Qorsheynta,maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo sharci lagula xisaabtamo hay’ddaha dalka ka howl-gala si xogahooda iyo howlaha ay dalka ka hayaan loo ogaado.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo u mahad celiyay wasaaradda qorsheynta oo sharciga soo diyaarisay ayaa tilmaamay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dalka,  isla markaana uu xoojinaayo Xukuumadda gaar ahaan wasaaradda qorsheynta oo soo diyaarisay.

Maadaamaa hindise sharciyeedkan uu maray keliya Akhrintiisa koowaad oo aysan jirin wax ka doodis ah oo xildhibaanadda uga furnaa ayaa waxa ay xildhibaanadda u gudbeen Ajnedaha labaad ee kulankaa oo ahaa xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacbaka,waxaana Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee sameynta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka uu goluhu ka hor akhriyay qodobo ka mid ah xeerkan oo uu guddigu kusoo daray fikradihii iyo talooyinkii Xildhibaanadda ay ka dhiibteen kulankii kan ka horeeyay,wuxuuna Goluhu ka codsaday in ay ansixiyaan.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo codgeliyay xeerkan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 144-Xildhibaan sida uu natiijadda codeynta ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -