Rabshado ka dhashay dilka Fanaan caan ah oo ka socda Adis Ababa iyo Internetka oo la jaray

Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa ka dhacay maanta banaan baxyo xoogan oo rabshado wata, waxaana banaan baxyadan ka dhasheen dil xalay  Adis Ababa loogu geestay fanaan caan ah oo u dhashay Qowmiyada Oromada.

Dibad baxayaal u badan dhalinyaro ka careesan dilka fanaan Haacaaluu Hundeessaa ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Adis Ababa kuwaa oo jidadka qaar xiray kuna gubayay taayaro.

Wadooyinka magaalada Adis Ababa oo ahaa kuwa mashquul badan ayaa maanta laga dareemayaa xaalad kuwii hore ka duwan, waxaana inta badan xiran goobaha ganacsiga iyadoona magaalada dhax socdaan dhalinyaro dibad baxyo dhigaya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Fanaanka kasoo jeeda Qowmiyada Oromada, waxa uuna Abiy ku tilmaamay fanaanka in uu ahaa mid cajiib ah, waxa uuna balan qaaday in baaritaano lagu sameyn doono dilkan.

“Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.

Magaalada Adis Ababa waxaa lagu daadiyay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya, waxaana dowlada jartay Internetka dalkaasi si rabshadaha socda u horseedin in rabshadaha sii xoogeestaan.

Fanaanka la toogtay ee Haacaaluu Hundeessaa ayaa ku caan baxay heesaha kicinta gaar ahaan intii ay socdeen dibad baxyadii isbadalka ka dhaliyay dalka Itoobiya, waxaana fanaankan taageero badan ku lahaa Qowmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -