Muqdisho: Danjire James Swan oo kormeeray Sheybaarka guud ee Qaranka (Sawirro)

Isagoo ku guda jira booqasho uu maanta ku tegay Shaybaarka Qaran ee Caafimaadka Bulshada ee Soomaaliya (National Public Health Reference Laboratory), ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka wuxuu bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay ka gaartay tijaabada baaritaanka cudurka COVID-19, wuxuuna muujiyay muhiimadda uu sheybaarka dhexe ee qaran iyo shaybaarada kale ku yaal dhamaan dalka ay u leeyihiin wax-ka-qabasahda COVID-19.

ā€œAfartii bilood ee la soo dhaafay, Sheybaarka Qaranka wuxuu dowr muhiim ah ka cayaaray wax-ka-qabashada aafadan isagoo ka-dabatag iyo la-socod ku hayay wareegga/isu-gudbinta feyruuska. Sheybaarka Qaranka waxaa ka barbar shaqeynayay labo sheybaar caafimaad oo kale oo qaabilsan caafimaadka bulshada, awoodna u leh tijaabada unugyada, awooddaas oo khusaysa COVID-19. Tani waxay dalka ka caawisay tijaabada iyo la-socodka wareegga feyruuska ee dalka oo dhan, iyo ogaanshaha goobaha uu feyruusku aad ugu faafay si loo xakameeyo waqti hore, ā€ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Tijaabada baaritaanka cudurka COVID-19 waa mid muhiim ah, Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuna waxaa ka go’an inay taageeraan sheybaarka qaranka,” ayuu raaciyay. ā€œHorumarka lagu kobcinayo awoodda Soomaaliya ee la-dagaallanka aafada COVID-19 waxay muujineysaa waxyaabaha la gaari karo marka khubarada heer qaran iyo kuwa caalamiga ah ay si wada-jir ah u wada-shaqeeyaan.ā€

Booqashada maanta, oo uu ku weheliyey Wakiilka Hayā€™adda Caafimaadka Adduunka ee QM (WHO) u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee QM waxaa goobta kusoo wareejiyay [soo kala tusiyay] Agaasimaha Sheybaarka Qaran, Dr. Sahra Ciise Maxamed, wuxuuna Wakiilku la sheekeystay shaqaalaha sheybaarka.

Markii uu COVID-19 kasoo if-baxay Soomaaliya, waxaa si dhaqso leh loo horumariyay Sheybaarka Qaran oo la gaarsiiyay heerka bed-qabka noolaha ee ku habboon, iyadoo WHO ay ku tabarucday qalabka jawaabta degdega ah bixiya ee lagu baaro dhacaanada hidde-sidaha, qalabkaas oo loo yaqaan (Polymerase Chain Reaction) si degdeg loogu awood-siiyo sheybaarka in uu baaritaano ku sameeyo muunadaha COVID-19. Tijaabada muunadaha COVID-19 ee loo adeegsado qalabka sida degdega ah jawaabta usoo saaro ee (PRC) ayaa Hayā€™adda WHO waxay u aragtaa in uu yahay ā€˜hal-beeg dahabi ah.ā€™

Kadib tababar ay siiyeen khubaro caalami ah, ayaa shaqaalaha Sheybaarka Qaran waxay baaritaanada Covid-19 u sameeyaan si iskood ah [isku filan].

Sheybaarka Qaran wuxuu billaabay baaritaanka muunadaha COVID-19 bishii Abriil, wuxuuna hadda baaritaan ku samayn karaa illaa 180 dhacaan/muunadood maalintii. Awoodda baaritaan/tijaabo ee hadda jirta waa la kordhin karaa oo waxaa la gaarsiin karaaa ilaa 360 muunadood maalintii, hadii loo baahdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -