Beesha caalamka oo dhinacyada Soomaalida ugu baaqday iney ka heshiiyaan doorashada

Beesha caalamka ayaa mar kale war ka soo saartay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo yarey ay shalay ka jeedisay baarlamanka Somalia kaasoo ay ku soo bandhigtay qabashada doorasho hal-qof iyo hal cod ah, iyagoo sheegay iney uga mahadcelinayaan Gudoomiyaha howsha ay Golaha Shacabka horkeentay.

“Waxaan carrabka ku adkeynaynaa baahida joogta ah ee loo qabo in Soomaalidu ku lug yeeshaan wadahadal loo dhan yahay si loo abuuro heshiis ballaadhan oo suurogal ah oo ku saabsan mowduucaan muhiimka ah, oo aan hoosta ka xarriiqno muhiimadda wadahadal dhameystiran oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha DFS iyo dowlad goboleedyada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay beesha caalamka.

Waxaan soo dhaweynaynaa ayaa lagu yiri qoraalka ku dhawaaqista uu sameeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed ‘Farmaajo ee ah in uu kulan la yeelan doono dhammaan hoggaamiyeyaasha Dowlad-gobolleedyada 5 illaa 8 July waxaana ku boorinaynaa in kulankan uu noqdo tallaabada xigta ee wada-tashi ballaaran oo lala yeelanayo daneeyayaasha muhiimka ah.

Waxaan ognahay in baarlamaanku uu sidoo kale yeeshay kulan looga hadlayo arrimaha la xiriira codeeynta. Waxaan ku boorinaynaa in heshiiska siyaasadeed la xoojiyo ka hor go’aamada kama dambeysta ah. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii heshiis deg deg ah loogu gaari lahaa wadada lagu qabanayo doorashooyinka qaran iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta leh ee qaranka.

Waxaa war-saxaafadeedka soo saaray: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD (UNSOM), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda , Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -